Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga dalka Korneyl Maxamed Cabdi Xasan Kordaye oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay u suurta gashay la wareegitaanka deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmadaasi Jalalaqsi.

Waxaana uu tilmaamay in ay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda G/ Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay iska hor imaad Ciidamada ammaanka iyo kooxo burcad ah maanta ku dhexmaray duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in ay soo furteen illaa 8 Gaari oo xamuul ah iyo dad shacab ah oo gacanta ugu jiray kooxahaasi.

Sidoo kale waxa uuintaasi ku daray guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee gobolka Hiiraan in aay nolosha ku qabteen illaa 7 ka mid ah Raggaasi, kuwa kalena aya ku raadjoogaan.

Dhankooda waxa uu xusay in dagaalkaasi uu uga dhaawacmay 1 Askari , sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.