Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada milateriga dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaano ku dhow Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga waxa uu Magaalada Baraawe kula yeeshay Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxaana ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolkaasi.

Howlgalladan ayaa ku soo aadayo, xilli dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.