Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Howlgalladan oo siyaabo kala duwan looga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Waxaana ciidamada ammaanku baaritaano xoogan ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoosyada Faralansa iyo Xararyaale, halkaasi oo ay ciidamadu ay ka qabteen dhalinyaro fara badan, sida uu xaqiijiyay Qof ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo saakay ka wada qeybo ka mid degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq Bacaad, waxaana ciidamadu aroortii hore ee saakay ay ku jarmaadeen Suuqaasi, kadib markii shalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Mininshiibiyada ee dowladda Hoose.

Waxaana lagu soo warramayaa in inta badan Ganacsigii Suuqaasi uu hakad ku jiro, iyadoona weli halkaasi baaritaano xoogan ay ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa ciidamada dowladdu waxaa ay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka waden howlgallo joogta ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.