Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Mamaulka Galmudug ayaa howlgallo ballaaran ka wada Degamada Caabudwaaq ee G/ Galgaduud.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii Xalay Dabley hubeysan Wiil Dhalinyaro ahaa ay ku dileen gudaha Degmadaasi.

Wasiir ku xigeenka Amniga Galmudug Mahad Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Waxaana uu ugu baaqay dadka shacabka ah in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.

Inta badan dilal qorsheysan oo Salka ku haya aanooyin qabiil ayaa ka dhaca Galgaduud, kuwaas oo weli xiisadeedu ay ka taagan deegaano ka tirsan Gobolkaasi.