Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in saakay dha dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Galbeedka Gobolka Mudug.

Waxaana wararka laga helayo Gobolka  ay sheegayaan in fariisin cusub Ciidamada Itoobiya ay ka sameysteen Deegaanka Beer Dhagaxtuur ee Gobolkaasi.

Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen Galbeedka Gobolka Mudug

Balse maalmihii la so dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud  buux dhaafiyay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Ma jiro weli wax hadal aha oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan deegaanda Maamulkaasi.