Buuloburte ( Sh. M. Network )-Ciidamada ka tirsan kuwa Jabuuti oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in qarax xoogan barqanimadii maanta lagula eegtay degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in Ciidamadaasi lagula bartilmaameedsay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro dhimasho iyo dhaawac Ciidamada Jabuuti uu ka soo gaaaray qaraxaasi, basle aan a cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Maamulka degmada Buuloburte oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsay in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan qaraxaasi.

Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in ay ku dileen 1 Askari, sidoo kalena ay ku dhawaaceen tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigeen.

Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro gaadma ah ku qaada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.