Luuq ( Sh. M. Network )- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay 2 Nin iyo qaraxyo ay wateen, kadib howlgallo baallaaran oo ay ka sameeyeen degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamadu ay qabteen Raggani, xilli ay ku sugnaayeen gudaha degmadaasi.

Waxaana uu tilmaamay in ay ku raad joogaan 3 kale oo ay haatan baadi goobayaan ciidamada ammaanka ee Jubbaland.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.