Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran waxa ay maanta ka wadaan xaafado ka tirsan Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Howlgallada ayaa yimid kadib markii saacadihii la soo dhaafay Magaaladaasi lagu dilay labo ka mid ah waxgaradka Ceelwaaq oo xalay lagala baxay guryahooda.

Ciidamada ayaa wada baaritaano la xiriira kooxihii ka danbeeyay dilka Nabadoonadaaasi loogu geystay Magaalada Ceelwaaq, waxaana howgalkaasi socda Shabelle u xaqiijiyay taliyaha booliska ee Ceelwaaq.

Isagoo sheegay in saacadaha soosocda ay faa faahin ka bixin doonaan howlgllada ay ka wadaan Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Si kastaba ha’ahaatee labada Nabadoon ee xalay lagu dilay Magaaladaasi Ceelwaaq ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada maamulka Jubbaland, mana jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilka Nabadoonadaasi.