Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada Dowladda Kenya ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka milateriga DFS ku dilay magaalada Ceelwaaq oo ku dhow Xadka dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Askariga la dilay ayaa la sheegay in uu ku dhintay isku dhac Xadka labada dal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Kenya iyo Ciidamada milateriga Soomaaliya.

Maxamed Axmed oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saakay ay israsaaseyn kooban ku dhexmartay magaalada Ceelwaaq labada Ciidan.

Sarkaalka ayaa xusay in iska hor imaadka uu ku yimid kala shaki soo kala dhex galay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo la sheegay in agagaarka magaalada Ceelwaaq ay ka wadeen howlgallo roondooyin ah.

Maxamed Axmed ayaa intaasi ku diray in Ciidamada Kenya ay Al Shabaab u maleyeeyeen Askariga Soomaaliga ah ee ay dileen.

Al Shabaab ayaa inta badan weerar khasaare gaystay ku qaaday Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada ku dhow Xadka Soomaaliya