Mandera ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ay ka fuliyaan deegaandaasi, inta lagu guda jiro maalmalaha Ciidul-Fidrig,  sida uu hadlka u dhigay.

Mr Owino ayaa xusay in Ciidamadaasi ay xoojin doonaan ammaanka guud ahaan gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa in ay sii kordhayaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugan deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn afhyeenka ayaa ugu baaqay dadka deegaanadaasi in ay feejignaan muujiyaan maalmaha Ciida, islamarkaana ay hay’adaha ammaanka ku soo wargaliyaan wax walba oo ay ka shakiyaan.

Al Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhiyay weerarada xoogan ee ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi