Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Korneyl Maxamed Xasan Isxaaq oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay maanta fariisimo cusub ka sameysteen degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo.

Waxaana uu sheegay in ciidamada maanta yimid degmada Ceelwaaq ay yihiin ciidamadii dowladda Kenya ee dhawaan isaga baxay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Korneyl Maxamed Xasan Isxaaq ayaa hoosta ka xariirqay in ciidankaasi dowladda Kenya ay dhawaan u gudbi doonaan deegaanka Busaar ee isla Gobolkaasi Gedo, si ay halkaasi uga sameystaan fariisimo cusub.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in wada hadal uu u socdo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo uu muddooyinkii dambe soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Dhawaan ayey ahayd markii ciidamada Kenya ay isaga bexeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi Gedo.