Ciidamada Nabadsugida ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay labo ka mid ah Shabakad ka shaqeysa dhaqida dollarka madow.

Qoraal kooban oo lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlaha fududeynta Garoonka uu shabakadaas u sahlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, kaasoo arrintiisa loo gudbinayo Hey’adaha shaqada ku leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay Lacag dhaqida, waxaana sharciga ka hortagga lacag dhaqida saxiixay Madaxweynihii hore eeSoomaaliya Xasan Sheekh bishii February ee sanadkii 2016, kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaankii 9aad bishii December sanadkii 2015.