Boosaaso ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen 16-ka Xaafadood oo ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Taliyaha Saldhigga bartamaha Boosaaso Gaashaanle Dhexe Yuusuf Axmed Ciise oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Waxaana uu tilmaamay in lagu soo qab qabtay ku dhawaad 600 oo Qof, kuwaas oo uu xusay in haatan ay ku socdaan baaritaano xoogan.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka , sida dilal qorysheysan oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.