Galdogob ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay degmada Galdogob ee G/ Mudug.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa laga sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi.

Waxaana la sheegay in u jeedkooda uu ahaa sidii lagu xaqiijin lahaa amniga degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inta ay socdeen howlgalladan lagu soo qab qabtay dhalinyaro xilliyada Habeenkii dhac ay ka geysan jireen degmadaasi.

Muddooyinkii dambe dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Galdogob ayaa ka cabananayay falal amaan dari iyo weliba boob loo geysto xiliyada Habeenkii ah.