Boosaaso ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgallada oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ka sameeyeen dhanka Buuraleyda Galgala, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo la hadlay Iadaacadda Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka, si looga hortago weerarad Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaasi.

Waxaana ay ka gaabsadeen haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale.

Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya deegaanada Puntland, gaar ahaan saldhigyada ciidamada Maamulkaasi.