Boosaaso ( Sh. M. Network )-Iyadoo mudooyinka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka  Bari ay ka dhacayeen weeraro qorsheysan oo isugi jiro Dilal iyo Qaraxyo ayaa waxaa Xaalada Amaan ee Magaaladaasi ka hadlay Taliye ku xigeenka Booliiska Gobalkaasi Axmed Faarax Jaraale.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay Howlgallo ka sameeyeeyn Magaalada Boosaaso haatana Xaalada Amaan ee Boosaaso ay tahay Mid Wanaagsan.

Waxaana uu sheegay in Howlgalladaasi lagu soo qab qabtay Dad looga shakinayo in ay ka dambeeyaan falalka Ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Boosaaso.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Boosaaso ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyeen Ciidamada Amaanaka si looga hortago falalka lidiga ku Ammaanka Magaalaasi.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Boosaaso Qaraxa Miino lagula  eegtay Gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.