Laascaanood ( Sh. M. Network )-Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa maanta dad shacab ahaa ku rasaaseeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shaqaaqadan ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen Ciidamada Soomaaliland ku dhaawacmay illaa 2 haween ah oo mid ka mid ah xaaladeeda laga deyrinayo.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dibadbaxyo looga soo horjeedo Ciidamada Soomaaliland ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee G/ Sool.

Maxamed Shaqale Canshuur oo ah Wariye madax banaan, kuna Sool ayaa Shabelle uga warbixiyay sida ay ku bilaabatay shaqaaqadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.