Qardho ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo gobolka Karkaar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay xoog kula wareegeen Bankiga iyo xarunta Wasaadaradda Maaliyadda maamukaasi ay ku lahayd magaalada Qardho ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan Mushaaraad ka maqan muddo 3 bilood ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

Waxaana saraakiishu intaasi ay ku dareen in ay gacanta ku sii heyn doonaan Bankiga iyo xarunta Wasaaradda tan iyo inta wax laga qabanayo cabashadooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Qardho oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in albaabada la’isugu dhuftay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaaladaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona lagu soo warramayo in Ciidamadu ay isku geedaameen xarunta Wasaraaddaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan arrintaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Ciidamada Puntland ay ka cabanayeen Mushaar la’aan, waxaana dhowr jeed gadoodyo ay ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.