Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay ammaanka xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in Ciidamadaas oo isugu jiray Nabad Sugid iyo Boolis ay hakad galiyeen shaqadii xaruntaasi.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa kala eryay Ciidamadii Booliska ee ka howlgali jiray xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Arrinta ayaa ku soo aadeysa, xilli Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” uu kala diray mas’uuliyiintii Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacabay Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “ Yarisow” Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya.