Muqdisho ( Sh. M. Nrtwork )-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow qarax xoogan lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday Gaari Cabdile ah oo marayay nawaaxiga Labaajada Weydow ee duleedka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in Gaariga qaraxa lala eegtay uu ka yimid dhanka gobolka Sh/ Hoose, kuna soo jeeday M/ Muqdisho.

Waxaana uu tilmaamay in qaraxaasi khasaaro u badan dhaawac uu ka soo gaaray Askartii la socotay Gaarigaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.