Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow Ciidamo ka tiran kuwa Xasilinta qarax xoogan lagula eegtay Isgoyska Ex Koonrool Balacad ee M/ Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, kaas oo la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamadaasi.

Liibaan Shaaciye oo ah Wariye madax banaan oo ku sugnaa halkaasi ayaa sheegay in rasaas ay fureen Ciidamada qaraxa lala eegtay uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaalada xarunta Shirkadda Horumuud ay ku leedahay Isgosykaasi.

Waxaana uu tilmaamay in xaaladda hadda ay dagan tahay, islamarkaana uu dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga ee Waddaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.