Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maaanta Rasaas waxa ay ku kala eryeen dad Dibadbax ka dhigayay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka cabanayeen dil dhawaan sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda loogu heystay gudaha degmadaasi.

Waxaana la sheegay in Sarkaalkaasiuu ku dhintay iska hor imaad ka dhacay Xaafadda Kaawa Godey ee degmada Dharkenley.

Mid ka mid ah ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga ee Suuq Boocle.

Waxaana uu tilmaamay in Ciidamo far badan la soo dhoobay xaafado ka tirsan degmadaasi, kuwaas oo ka hortagaya in Dibadbax uu ka dhaco halkaasi.

Dhawaan taliyaha saldhigga Booliska degmada Dharkenley Khaliif Cabdulle Maalin Ilkacase oo  la hadlay Shablle ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ku Geeriyooday isku dhac dhex maray kooxo Burcad ah iyo Ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka Dibadbaxa