Muqdisho ( Sh. M. Network )-Inta la ogyahay ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay, 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay dad shacab ah ku rasaaseeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in shaqaaqadan ay timid, xilli dadka la rasaaseeyay ay dhigayeen Banaanbax cabasho ah oo ka dhan ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay gudaha xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid gaadiidka Ciidamada AMISOM ee marayay halkaasi.

Waxaana la xaqiijiyay in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo aan loo meel dayin.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdiasho ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.