Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland barqanimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaari Cabdi Bile ah oo marayay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhawaac qaraxaasi ay ka soo gaartay Askartii saarneyd Gaarigaasi.

Xiriiro aan la sameynay saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaanan inuu suura galin in aan helno, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab aya weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Jubbooyinka.