Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayay qarax Barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lugula eegtay gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa m id xoogan ayaa la sheegay in ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, kaas oo lala bartilmaameedsaday kolonyo katirsan Ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar ee gobolkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo aan la xariirnay dhankooda ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaaan qaraxaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in ay ku gubeen Gaari Beeba ah.

Sidoo kale ay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac ay gaarsiiyeen Ciidankaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.