Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ku dagaalameen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaasi.

Waxaana dagaalkan uu yimid, kadib markii ciidamo ka wada tirsan kuwa  booliska Magaalada Jowhar ay isku qabteen Lacago Canshuura ah oo laga qaadayay Suuqyada Magaaladaasi Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Xaalada ayaa ah haatan mid dagan, mana jirto illaa iyo hadda faah faahin ay saraakiisha ammaanka Magaalada Jowhar ka bixiyen dagaalkaasi.