Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ayaa maanta ku dagaalamay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta shaqsi ay eryanayeen uu gudaha u galay dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, taas oo muran dheer kadib keentay in ay isku dhacaan Illaalada Wasaaraddaasi iyo Ciidamada Xasilinta.

Goobjooge la haday Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaasi.

Waxaana uu sheegtay in muddo saacado ah dagaalku uu socday, inkastoo illaa iyo iminka aan la’ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.