Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay Degmada Deyniile ee G/ Banaadir.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib muran ka dhashay dhul ku yaalla nawaaxiga Jaamacadda Gaheyr ee Degmadaasi Deyniile.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi oo muddo Saacado ah ka socday halkaasi.

Mana  jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Deyniil oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona weli Ciidamadii dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan halkaasi.

Shalay ayey ahayd markii isla Ciidamadan ay ku dagaalameen degmada Deyniile ee g/ Banaadir, waxaana ku dhintay dagaalkaasi 1 Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.