Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Jubbaland oo maanta ku dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka goostay Jubbaland ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Jiis ee Gobolkaasi Jubbada Hoose.

Waxaana dagaalkaasi ku dhintay 1 Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii weerarka soo qaaday iyadoona labo ka mid ahaa Askartaasi nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay 2 Gaari oo nuuca dagaalka ah, kuwaas oo ay wateen Ciidamadii ka goostay Maamulkaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo ku aadan dagaalkaasi.