Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta qarax miino lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Liboi ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi oo marayay inta u dhaxeysa magaalada Dhoobley iyo deegaanka Liboi oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dad goobjoogaal ah ayaaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Kenya, iyadoona khasaaro xoogan uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya oo ku aadan qaraxaasi, illaa iyo hadana ma jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.