Boosaaso ( Sh. M. Network )-Ciidamada Badda ee maamulka Punland ayaa dilay kabtan waday Dooni Kaluumeysi oo ku sugnayd Xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena ku dhaawacay ruux kale oo ka tirsanaa shaqaalaha Doonidaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Badda ee Punland ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen labo Doomood oo uu xusay in ay si sharci darro ah ugu Kaluumeysanayeen Biyaha Soomaaliya.

Colonel Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan booliksa Puntland ayaa sheegay in digniin ay siiyeen Doomahaasi, kadibna ay isku dayeen in ay baxsadaan,waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada ay rasaas ku fureen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Doonidaasi oo la keenay Magaalada Boosaaso, waxaana uu xusay in ay waday labo Ton oo Kaluun sharci darro ah oo ay ka Jilaabteen Xeebaha Soomaaliya.

Kaluumeysiga sharci darrada ee ay sameeyaan dalal Ajanabi ah ay sanadahii la soo dhaafay ku soo badanayey Soomaaliya, iyadoo dalalka ugu badan lagu sheegay in ay ka mid yihiin Iran, yemen, Shiinaha iyo qaar ka tirsan dalalka koonfur Bari Asia.

Warbixin sanadkii 2015 uu saaray machad ku yaalla dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dalalka sida sharci darrada ugu kaluumeysata Soomaaliya ay sanadihii 2014 iyo 2013 ay ka Jilaabteen illaa 132,000 Metic Ton oo Kaluun ah, halka Kaluumeysata Soomaalida ah ay labadaasi Sano heleen 40,000 oo Metric Ton oo Kaluun ah