Muqdisho (Sh.M.Network)-Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Mashaa’iikhda Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn  ayaa waxa uu ka hadlaay Dayax Madoobaadkii xalay lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in Dayaxa oo Madoobaado ay ka dhigantahay in Alle uu ku baraarujinayo umaddiisa in ay Tubta toosan raacaan islamarkaana ka waantoobaan Xumaanta ay ku jiraan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif ayaa ka digay Isusoo baxyada dadku sameynayaan Xilliyada Dayax Madoobaadka taas oo uu ku tilmaamay mid aan Sal iyo Raad ku lahayn Diinta Islaamka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in marka dhacdadaas uu qofka Muslimka ah la kulmo looga baahan yahay kaliya in uu Salaaddoo Sunno ah ku Tukado Masjidka.

Xalay ayaa waxaa Dayax Madoobaad laga dareemay qeybo ka mid ah Dalka, iyadoona  Culimada ay Masaajidda alle uga baryayeen in uu ka qaado Dayax Madoobaadkaasi, waxaana la arkayay Dad kale oo Isusoobaxyo alle Bari ah ka dhigayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.