Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiye Yariisow ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ayuu  Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ka dhigay Ismaaciil Muqtaar Cumaar [Oronjo].

Guddoomiyaha cusub Ismaaciil Mutkhtaar Oronjo ayaa kamid ahaa  Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta,isagoo xilal kala duwan uu ka soo qabtay.