Brussels ( Sh. M. Network)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu qiray in Ururka uu ka mid ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ka dambeeyay weerar ka dhacay Magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

Waxaa Kooxda Daacish ay sheegeen in 30 jir ka soo jeeda Soomaaliya uu fuliyay Weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay Magaalada Brussels, kaasi oo lagu dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee Dalka Belgium.

Warkan ka soo baxay Ururka Daacish ayaa lagu sheegay in Weerarka uu fuliyay muwaadinkaasi Soomaaliyeed in uu jawaab u ahaa Wadamada qeybta ka ah Xulufada uu hogaamiyo Mareykanka.

Qoraalka Kooxda Daacish laguma cadeyn magaca ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Brussels.

Balse Booliska Dalka Belgium ayaa sheegay in Toogasho lagu dilay kaligii duulka ka dambeeyay falkii lagu dhaawacay askariga ee ka dhacay Caasimada Belgium.

Magaalada Brussels ayaa waxaa ka dhacay Weeraro kala duwan oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Kooxda Daacish.