Muqdisho ( Sh. M. Network )-  Sawiro lagu baahiyey webseedka Ciidanka Xoogga ayaa Muujinaya sawiro laga soo qaatay Ragg ka tirsan Alshabab oo lagu soo qabtay howgal Ciidamada Xoogga ay ka sameeyeen Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Gobolka Shabeelaha hoose.

Saraal ka tisan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in 15 ruux oo ka tirsan Alshabab ay ku qabteen howgal laga sameeyey Deegaanada Daniga,Basro Jambuul iyo Buullo Bbarwaaqo kuwaasi oo isku xira Degmooyinka Afgooye iyo Balacad oo kala tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkan Ka Daawo Sawirada Ragga la Soo Bandhigay