Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa Xalay Dab khasaaro Hantiyadeed geystay uu ka kacay Suuqa Daryeel degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhahay Koronto, waxaana uu baabi’iyay in ka badan 10 Dukaan oo yaallay Suuqaasi.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Daryeel ee degmadaasi Heliwaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Dabkaasi

Waxaana uu sheegay Ganacsadahaasi in markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.