Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay abaarihii 11:00-ka habeenimo dab xoogan uu ka kacay Kaam barakac oo ku yaalla gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Dabka oo khasaaro kala duwan geystay ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal.

Kaamka uu dabka ka kacay ayaa ku yaalla agagaarka garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdiusho.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku dhintay illaa iyo 3 caruur ah, iyadoona uu baabi’iyay ku dhawaad 10 guri oo ka sameysnaa cooshado oo ku yaallay Kaamkaasi.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.