Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee G/ Banaadir.

Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi.

Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.