Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in Xalay wiil dhalinyaro ahaa ay ku toogteen degmada Yaaqshid ee g/ Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dableydaasi ay doonayeen in Mobile-ka gacanka ay ka qaataan Marxuumka, balse la sheegay in uu ka dhaga adeegay.

Mid ka mid ah Ehellada Marxuumka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafadda Carafaad ee degmadaasi.

Waxaana uu sheegay in uusan garaneyn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Marxuumkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.