Qoryooley ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dad shacab ahaa saacadihii la soo dhaafay ay ku dileen nawaaxiga degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka Gaawirow, kadibna halkaasi ay ku dileen dad Rayid ahaa.

Xasan Axmed Yare oo ka mid dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Gaawirow ay ku dileen illaa 2 qof, halka ay ku dhawaaceen 9 kale.

Sidoo kale waxa uu intaasi in Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ay Kufsadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale maamulka degmada Qooryoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa beeniyay dhacdadaasi

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi Maxamed C/laahi Gaashaan oo dhankiisa la hadlay Shabelle ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi.

Waxaana uu xusay in Ciidamadu ay tageen kaliya deegaano ay ku sugnaayeen Al Shabaab, halkaasina ay kula dagaalameen, sida uu hadalkaa u dhigay.

Inta badan Ciidamada milatariga dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla Sh/ Hoose ayaa lagu eedeeyaaa dhibaatooyin ka dhan ah shacabka gobolkaasi.