Marka ( Sh. M. Network):-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay iyo maanata  dagaallo u dhexeeya Ciidamada Xarakada  Al-Shabaab iyo kuwa AMISOM uu ka dhacay qeybo kamid ah gobolkaasi.

Weerarka koowaad ayaa xalay  Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamada AMISOM ee qaybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Somalia  ay ku leeyihiin nawaaxiga buundada Qoryooleey.

Dagaalka ayaa socday in mudda ah waxaana ka dhashay Khasaaro fara badan sida ay sheegeen xarakada Al Shabaab.

Iska hor’imaadka  ayaa saakay  mar kale ka qarxay inta u dhaxaysa deegaanada NO.60 iyo Ceelwareegoow ee isla Shabeelaha Hoose kadib markii weerar jidgal ah halkaasi uu ka dhacay oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo AMISOM.

Weerarka dhabbagal ah ayaa qabsaday Ciidamo lug ah oo kasoo baxay saldhig ay ku leeyihiin deegaanka NO-60 si ay wadada ugu sahmiyaan kolonyo gaadiid ciidan ah oo halkaas ku xayirnaa sida wararka aan ku helnay ,

War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in 7 ka tirsan Ciidamada AMISOM  lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.