Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo Duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada milateriga Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in dagaalku uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la ogeyn inta uu la’egyahay.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in ay dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS, kuna gubeen labo gaari oo nuuca dagaalka ah, sidoo kalena ay ku qabsadeen gaari Cabdi Bile ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay ku sugan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.