Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo ka maanta dhacay duleedka degmada Qoryooley ee G/ Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Danow oo hoos yimaadka degmadaasi Qoryooley.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo Saacado ah qaatay, inkastoo weli aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM, balse mashaacin inta uula’egyahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.