Xudur ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Xudur oo ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Dumaale oo qiyaas ahaan 35 KM u jira magaaladaasi.

Waxaana la sheegay in halkaaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidookalena ay ku dhaawaceen 11 kale, sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Maxamed Macallin.

Dhinaca kale illaa iyo iminka ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Dhaq Dhaqaaqa Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xiisada ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.