Xudur ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu maanta ka dhacay deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool.

Waxaana dagalkan uu u dhexeeyay ciidamda Mamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya maleeshiyaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”  iyo dagaalyahannada Xarakada Al  Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Abal ee Gobolka Bakool

Ugu yaraan 2 Qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in go’doon ay ku jiraan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Gobolkaasi Bakool, oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.