Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada Jubbaland kuwa AMISOM iyo Al Shabaab Barqanimadii maanta ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Wirkoy ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in dagaal in muddo Saacado ah qaatay uu ka dhacay halkaasi, la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku Geeriyootay dagaalkaasi oo ka kala tirsanaa dhinacyadiii ku dagaalamay halkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Majiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadooan dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaanadii lagu dagaalamay ee gobolka Jubbada Hoose.