Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii weerar culus Al Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Waxaana Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ay sheegeen in ay ku qaadeen madaxa Cashuuraha ee degmadaasi Jalalaqsi.

Al Shabaab ayaa sidoo kale xusay in weerarkaasi ay ku dileen 1 Askari, kuna gubeen Gaari uu lahaa maamulka degmadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa beeniyay in khasaaro uu ka soo gaaray dagaalkaas Ciidamada Dowladda.

Waxaana ay sheegeen in Ciidamada maliteriga dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana qeybo ka mid ah Jalalaqsi howlgallo ka sameeyay Ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.