Qoryooley ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab oo Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab ay gudaha u galeen degmada Qoryooley, islamarkaana ay u gubeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugi jira dhimasho iyo dhawaac soo kala gaaray labada dhinac, inkasto aan si rasmi ah loo ogeyn.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in saakay baaritaano xoogan ay ka wadaan degmadaasi, kuwaas oo baadi goob ugu jira Raggii ka dambeeyay werarkii Xalay ka dhacay degmadaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi, balse xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana degmada Qoryeeley ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.