Afgooye ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka deegaanka Ceelwareegow ee gobolkaasi.

Waxaana uu yimid, kadib markii Al Shabaab weerar gaadma ah ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo socdaal sahmin ku jiray, kana ambabaxay fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Lambar Lixdan ee isla gobolkaasi Sh/ Hoose.

Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Balse ma shaacin Xarakada Al Shabaab khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xalay ayey aheyd markii dagaal culus uu ka dhacay nawaaxiga degmada Qoryooley, kaas oo Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa 7 Askari oo ka tirsanaa AMISOM.