Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Ciidamada xooggga dalka, kuwa Itoobiya iyo Ciidamada Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay gaareen gudaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa ka soo ruqaansaday deegaanka Buurweyn ee gobolkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxaana la sheegay in dagaal xoogan uu ku qabsaday agagaarka degmada Jalalaqsi ee G/ Hiiraan, kaas oo dhexmaray Ciidamada huwanta iyo Al Shabaab.

Dagaalkan oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa qaatay muddo saacado ah, inkasto aan la cadey karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.